Heemaal News Network

Madaxweyne ku-xigeenka Iran Oo Iska casilay Xilkii

Madaxweyne ku-xigeenka Iran, Mohammad Javad Zarif, oo ah siyaasi hormuud u ah isbedel-doonimada, ayaa iska casilay xilkiisii. Wuxuu si maldahan u sheegay in hoggaamiyaha sare, Ali Khamenei, uu oggolaaday iscasilaaddiisa, inkastoo aanu si toos ah u xusin.

Iscasilaadda Zarif waxay dhabar-jab ku tahay xukuumadda cusub ee Madaxweyne Masoud Pezeshkian, oo sidoo kale dhowaan la kulantay xil-ka-qaadista wasiirkii maaliyada, Abdolnaser Hemmati. Labadan dhacdo ayaa sababay hoos u dhac weyn oo ku yimid suuqa saamiyada Iran, iyada oo ay sii xoogeysanayaan siyaasiyiinta adag ee kasoo horjeeda dib-u-heshiisiinta reer galbeedka.

Zarif, oo horey u soo noqday wasiirka arrimaha dibadda 2013–2021, ayaa si weyn loogu xusuustaa doorkiisii heshiiskii nukliyeerka ee 2015. Si kastaba ha ahaatee, cadaadis joogto ah oo kaga imaanayey mucaaradka, oo ay ku jiraan eedeymo la xidhiidha dhalashada caruurtiisa ee Maraykanka, ayaa ugu dambeyn sababay in uu xilka iska casilo.

Suuqa saamiyada Iran ayaa hoos u sii dhacay kaddib iscasilaaddiisa, waxaana la filayaa in hardanka siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumadda Pezeshkian iyo garabka adag ee mucaaradka uu sii xoogeysto, iyada oo Iran weli la tacaaleyso cunaqabatayn dhaqaale oo saameyn weyn leh.