Heegan Amni Oo la Geliyey Safaaradda Mareykanka Ee Muqdisho;
Heegan-amni ayaa la geliyey safaaradda Mareykanka ee Muqdisho; iyada ka digtey weeraro ka dhici kara qaybo kamid ah caasimadda oo uu ku jiro Garoonka Diyaaradaha.
Muwaadiniinta Mareykanka ayey safaaraddu u soo jeedisey in aysan soo aadin Soomaaliya oo ay sheegtey in ay wajahayso; weerarro argagixiso, qaraxyo, hoobiyayaal, afduub iyo budhcad-badeed.