Heemaal News Network

Faransiiska Oo Bixinaya Xogihii Sirdoonka Ee uu Maraykanka ka Joojiyay Ukraine.

Wasiirka Difaaca Faransiiska,Sébastien Lecornu ayaa shaaca ka qaaday inuu Faransiiskiisa bixinayo xogaha sirdoon ee ka caawinaya ciidanka Ukraine dagaalka ay kula jiraan Ruushka, kaddib markii Mareykanka uu joojiyay xogtii sirdoon ee uu la wadaagi jiray ciidanka Ukraine.

Macron oo Nukliyeer ku Hanjabay Ballanqaadeyna in uu Yurub Difaacayo iyo Ruushka oo si Kulul ugu Jawaabay

Weli Yurub waxaa ka taagan jaahwareer siyaasadeed iyo mid awood la’aan, taas oo keentay in maalina Macron, Madaxweynaha Faransiiska, uu dagaal iyo nukliyeer ku goodiyo, maalinka xigana RW Keir Starmer ee Ingiriisku asna markiisa ku goodiyo in ay Ukraine difaacayaan, ammaanka Yurubna sugayaan.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay, inay joojiyeen xogihii sirdoon ee ay la wadaagi jireen Ukraine ee ku aadanaaa dagaalka Ukraine, kadib kulankii Aqalka Cad ee aysan natiijadu ka soo bixin, isla markaana khilaaf ku soo dhaamaday.

Trump ayaa isniintii ku dhawaaqay inuu joojiyay kaalmadii milatari ee uu siin jiray Ukraine, balse jooojinta xogihii sirdoon ee lala wadaagi jiray Ukraine, waxaa shaaciyay agaasimaha waaxda CIA-da Mareykanka, John Ractliffe.

Arrintan ayaa ku so aadaysa xilli dowladda Ukraine ay shegtay, in ay diyaar u tahay wadaxaajood ay gasho Ruushka si dagaalka loo soo afjaro.

Waxaa uu sheegay in madaxweyne Trump uu ka shakiyay sida madaxweynaha Ukraine, Vlodymyr Zelensky uga go’antahay in Ukraine nabad lagu soo dabaalo.

Dhanka kale, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Talaadadii sheegay, in uu doonayo in uu “wada xaliyaan” khilaafka ka dhex jiray isaga iyo madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, isla markaana wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka dhacda Ukraine.