Heemaal News Network

Taiwan Oo Heshiisyo la Gashay Ukraine Xili Uu Shiinuhu u Hanjabayo

Taiwan ayaa billowday inay heshiisyo la gasho shirkadaha Ukraine , iyadoo heshiisyadu la xiriiraan isku diyaarinta duullaanka suragalka ah ee Shiinaha uu ku qaadi karo Taiwan.

Sarkaal ka tirsan Taiwan, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters; “Waxaan rajeyneynaa inaan wax ka baranno khibradda Ukraine ee sida shirkadaha gaarka loo leeyahay ay gacan uga geysteen xoojinta dowladnimada iyo adkeysiga bulshada xilliga dagaalka.”