Heemaal News Network

Kooxo Taageersan Bishaar Asad Oo Weerar ku Dilay In ka badan 30 Askari oo ka tirsan Ciidamada Suuriya

In ka badan 30 askari oo ka tirsan ciidamada Suuriya ayaa maanta lagu dilay weerarro ay tan iyo galinkii dambe ee maanta ka fuliyeen deegaanno hoortaga gobolka xeebta ee Latakiya iyo Jableh — maleeshiyo taabacsan maamulkii xukunka laga tuuray ee Assad.

Ciidan dheerad ah ayay dawladda Suuriya geysay goobaha ay weerarrada ka dhaceen oo sidoo kale lagu arkay diyaaradaha qumaatiga u kaca, halka saldhigyada ciidanka Ruushka ee halkaa ku yaalay ay ku wargeliyeen dawladda Suuriya inay diyaar u yihiin weerarro cir ah oo ay fuliyaan , haddii kooxahan ay sii wadaan weerarrada ka dhanka ah ciidanka Suuriya.