SpaceX waxa ay xaqiijisay in gantaalku uu la kulmay “kala daadasho degdeg ah oo aan lagy talo galin ” xilligii uu hawada sare u kacayay, oo uu lumiyay xiriirki dhulka.
Gantaalka weyn ee SpaceX Starship lagu magacaabo, oo ah gantaalkii ugu weynaa ee abid la sameeyo, ayaa koontaroolka ka baxay wax yar ka dib markii la riday. Ma jiro wax dhaawac ah ama khasaare ah oo la soo wariyay balse sawirro laga soo qaaday jasiiradaha badda ee Caribbean ka ayaa muujinaya qashin cirka ka soo da’aya.
Tani waxay ahayd hawlgalkii sideedaad ee lagu tijaabiyay gantaalka, iyo fashilkiisii labaad oo xiriir ah oo la kulmo.
Gantaalkaan oo dhererkiisu dhan yahay 123 mitir (403ft) ayaa loogu talagalay in uu dib ugu soo laabto dhulka kadib markii uu hawado dhex mushaaxo muddo hal saac ah.
Xoojiyaha aadka u culus ee gantaalka, kaas oo ka caawiyay inay dhulka ka kaco, ayaa si guul leh u maareeyay in uu dib ugu soo noqdo mar kale halkii laga duuliyay.
SpaceX, oo uu iska leeyahay bilyaneerka Elon Musk, ayaa sheegtay in kooxuhu isla markiiba bilaabeen inay la shaqeeyaan saraakiisha amniga ” waxay hirgaliyeen falcelinnadii degdeg ahaa ee horay loo sii qorsheeyay”.
Bayaan la soo saaray ayaa sheegay in baaritaanka lagu samayn doono asalka waxa keenay xillada.
Elon Musk ayaan isagu wax jawaab ah ka bixin qaraxa ku dhacay gantaalka.
Shilkan ayaa muddo kooban hakiyay duullimaadyadii dhowr garoon diyaaradeed oo ku yaalla gobolka Florida, oo ay ku jiraan garoonada Miami iyo Orlando, sababo la xiriira walaac laga qabo burburka holacaya ee ka soo daatay hawada.
War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda FAA ee maamusha duulimaadyada Maraykanka, ayaa lagu sheegay in Duulimaadyada ka soo dagaya iyo kuwa ka baxaya Garoomada ay dib u dhaceen sababo la xiriira “dhacdo hawada sare ka dhacay”.
Dhacdadan ayaa daba socota tijaabo la sameeyay bishii Janaayo, kaas oo la arkay gantaalka Starship oo fashilmay daqiiqado kadib markii laga soo tuuray xarunta SpaceX ee Texas.
FAA ayaa sidoo kale muddo kooban xirtay garoomada diyaaradaha muddo haatan laga joogo laba bilood, sababta ayaana ahayd isla tan haatan eek u aadan ee burbur holcaya uu ku soo dul dhaco garoomada.
Daah-furkan ugu dambeeyay ee gantaalka Starship ayaa la sameeyay ka hor inta aysan FAA dhammeyn baaritaanka qaraxii dhacay Janaayo, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka.
Starship waa gantaalkii ugu weynaa, uguna xoogga badnaa abid, waana furaha hamiga Musk ee degitaanka Mars.
BBC