Ciidamada Israa’iil Oo Xad-gudubyo ku Haysa Dadka ku Cibaadeysanaya Masjidka Al-aqsa
Dawlada Israa’iil ayaa dhigtay kumannaan ciidan ah waddo walba iyo isgoys kasta oo ka tirsan magaalada Qudus, halkaa oo baaritaan adag iyo xad-gudubyo lagu geysanayo qof walba oo iskudayaya inuu gaaro masjidka barakaysan ee Al Aqsa.
Si kastaba ha noqotee xaalad kasta oo darran oo ka jirta magaaladaasi ayaa dhalisay in 85 kun oo qof inay caawa ku tukatay salaadda cishe iyo taraawiixda masjidka Al Aqsa.