Waakan qodobbada ugu muhiimsan heshiiska;
Waxaa maanta wadajir ah u saxiixay heshiiskan Madaxweynaha Suuriya , Axmed Sharac iyo hoggaamiyaha ahna taliyaha ciidanka Kurdida SDF, Mazloum Cabdi ;
1- Dammaanad qaadka xuquuqda dhammaan dadka Suuriyaanka ah si ay u matalaan uga helaan geeddi-socodka siyaasadda iyo dhammaan hay’adaha dawliga ah , hab ku salaysan kartidooda, iyadoon loo eegayn diintooda iyo qowmiyaddooda.
2-Bulshada Kurdiyiinta waa bulsho asal ahaan ka soo jeeda dalka Suuriya, waxaana dawladda Suuriya ay dammaanad qaadaysaa xuquuqdeeda muwaadinimo iyo dhammaan xuquuqdooda dastuuriga ah.
3- Xabbad- joojin laga sameeyo guud ahaan dhulka Suuriya.
4 – Isku dhafka dhammaan hay’adaha rayidka iyo kuwa militariga ee waqooyi-bari Suuriya si loogu daro maamulka dawladda Suuriya, sida isgoysyada xadduuda, garoonka diyaaradaha, iyo goobaha shidaalka iyo gaaska.
5- Xaqiijinta in dhammaan dadkii ka barakacay Suuriya ay dib ugu soo laabtaan magaalooyinkooda iyo tuulooyinkooda iyo in la xaqiijiyo inay difaacayso dawladda Suuriya.
6- In dawladda Suuriya laga taageerro dagaalka ay kula jirto haraadiga Asad iyo wax kasta oo khatar ku ah ammaanka iyo midnimada Suuriya.
7- Diidmada baaqyada kala qaybsanaanta, nacaybka iyo isku dayga in fidno laga dhex abuuro dhammaan qaybaha bulshada Suuriya.
8 – Heshiiska waa inoo dhaqangal noqdaa ugu dambeyn dhammaan sannadkan, iyadoo loo marayo guddiyo fulin oo kormeeraya dadaallada sidii heshiiska loo meel marin lahaa.