Heemaal News Network

Madaxweyne Ciro Oo Booqdey Dhaawacii Ciidanka Qaranka Ee Dagaalkii Buqdherkayn

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa waxa uu maanta Cisbitaalka weyn ee Hargeysa ku booqday, askar ka tirsan Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada Madaniga ah ee dhawaan ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay Degmada Buq-dharkayn.

Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo waxaana ka dhashay khasaare xoogan oo kala gaaray labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu mid-mid ula kulmay askarta dhaawacantay isaga oo u kuur galayay xaaladda dhaawacyada ay qabaan ciidamadu, taasi oo ay dhakhaatiirta gacanta ku haya askarta dhaawacantay ay Madaxweynaha xog warran guud ka siiyeen xaaladooda.

Madaxweynuhu waxa uu askarta dhaawacantay ku ammaanay geesinimadooda, naf-huridda iyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay hadh iyo habeenba ugu jiraan si ay u difaacaan dalka, dadka iyo diintaba sida lagu sheegay War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynaha ayaa sida oo kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Cisbitaalka iyo Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Qaranka ka dhegaystay xog warran la xidhiidha qaabka uu u socdo daryeelka Ciidamada dhaawacmay xag Caafimaad iyo xag nololeedba.