Xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka ayaa si weyn u kobcay, gaar ahaan intii ay xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro joogtay oo ay xoojisay xidhiidhka caalamiga ah ee ay Wada leeyihiin labada Waddan.
Khariiraddan la shaaciyay ayaa muujinaysa in Somaliland lagu daray liiska dalalka ay Imaaraadku macaamilka la leeyihiin, taasoo sii xoojinaysa doodda ku saabsan aqoonsiga Somaliland.
Arrintan ayaa dhalisay falanqayn iyo hadal-hayn badan oo ku aaddan sida Imaaraadku ugu kala soocay Somaliland iyo Soomaaliya.