Wasiir Dahabo ayaa shaaca ka qaaday in Sheegow tii alle ay utimid oo aysan jirin cid u istaagtay inay sumeeysay ama dishay, waxaana ay carabka ku adkeesay in maalinta Arbacada lagu aasi doono isbitaalka Xooga dalka Soomaaliyeed.
Waxaa ay wasiir Dahabow Suusow ay tilmaamtay in iyada iyo walidiinta Jeneraal Sheegow wada socda ay u tageen Dhaqaatiirta ayna u cadeeyeen in tii alle ay utimid Jeneraalka oo maalmihii dambe uu la xanuunsanaa dhinaca Beerka.
Wasiir Dahabow ayaa u sheegtay Beesha uu kasoo jeedo Sheegow in isbitaalka meydkiisa uu yaalo aan laga sameenin wax arbushaad ah waxaana ay diiday in loo qaado magaalada Jowhar waxaana ay xustay in gudaha magaalada Muqdisho lagu aasaayo.
Sheegow ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Rajab Dayib Erdogan (Ex Digfeer), sida uu xaqiijiyay wasiirka caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan oo xusay in sababta uu u geeriyooday Sheegow ay tahay xanuun uu muddo la noolaa.
“Wuxuu qabay fayraska cagaarshowga, sidaas ayuuna u geeriyooday sida ay isbitaalka noo sheegeen, maaddaama uu muddo la noolaa kaas oo beerka saameeyay kansarna isku beddelay,” ayuu yiri wasiirka.