Heemaal News Network

Dowladda Oo la Wareegtay Guryo Laga soo Tuuray Hoobiyaal Lagu Duqeeyay Muqdisho

Ciidanka hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya, ayaa la sheegay in ay la wareegeen labo guri oo kuyaalla degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir, kuwaa oo la sheegay in laga soo tuuray hoobiyaal magaalada lagu duqeeyay.

Xog ay heleen ciidanka sirdoonka Soomaaliya ayeyna ugu suurto gashay in ay ku ogaadaan guryahan Al Shabaab kasoo dhax tuureen hoobiyaasha, waxaana la sheegay in ciidanka aysan qaban raggii ka dambeeyay hoobiyaashaasi la tuuray.

Dowladda Soomaaliya ayaana la wareegtay guryahan la sheegay in Al Shabaab u adeegsadeen khal khal gelinta magaalada iyo in ay hoobiyaal kasoo tuuraan, waxaana labadan guri oo isku dhagan hadda yihiin kuwa haawanaya oo ay la wareegtay milkayadiisa dowladda.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale raadinaya guryo kale oo Al Shabaab gabaad ka dhigtaan , waxa ay sidoo kale ciidanka ogaadeen in hoobiyaashii ugu dambeeyay ee magaalada lagu garaacay qaarkood laga soo tuuray dhul bannaan.

Laamaha amaanka ayaa ciidamo badan geeyay aagagii maalmihii lasoo dhaafay laga soo tuurayay hoobiyaashii lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya iyo garoonka Aadan Cadde, waxa ayna ciidanka dowladda bilaabeen howlgallo roondo ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeen kahor la kulmay qaar kamid ah taliyaasha iyo masuuliyiinta amniga caasimadda qaabilsan, ayaa ugu hanjabay in xil ka qaadis ku sameyn doono haddii mar kale ay dhacdo in si fudud magaalada Al Shabaab usoo duqeeyaan.