Heemaal News Network

Iran Oo Shaacisay Inay Berri soo Bandhigi doontaa Horumarka Ttiknoolajiyadda Nukliyeerka,

Iran, waxay berri soo bandhigi doontaa horumarka ay ka gaartay tiknoolajiyadda Nukliyeerka, sida ay wakaaladda wararka Iran ee Mehr, ka soo xigatay madaxa ururka tamarta nukliyeerka Iran, Mohammad Eslami.

Soo bandhigista kuma jirto nukliyeerka militari, taa beddelkeeda nidaamka Ali Khamene, waxay doonayaan inay Iiraanida iyo dunidda ay tusaan horumarintooda nukliyeerka ee dhinacyada tamarta iyo qalabka caafimaadka, ka hor wada-hadallada Iran ay la yeelanayo Sabtida , toddobaadka dambe Mareykanka ee la xiriira barnaamijkeeda nukliyeerka.