Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 04 ee 9-Ka April 2025 kuna saabsan dhismaha Hay’adda Aqoonsiga dadweynaha kunool deegaannada Puntland (PID).
Puntland , ayaa horey uga diiday deegaanadeeda in ay ka howlgasho hay’adda dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan aqoonsiga dadweynaha ee NIRA, waxa ayna Puntland uga mamnuucday dadkeeda in ay qaataan aqoonsiga dowladda Federaalka bixineyso.
Halkan ka Akhriso wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Deni
Madaxweynaha Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Puntland.
Markuu arkay: Baahida loo qabo Dhismaha Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland.
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey: –
1. Waaxaa la dhisay Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID).
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.