Paris ayaa sheegtay inay si rasmi ah ugu dhawaaqayso aqoonsiga dawladda Falastiin, taasoo ka dhigaysa haddii ay dhacdo dalkii 12 ee ka tirsan Midowga Yurub ee aqoonsada dawladda Falastiin. Sannadkii 2014-kii, Sweden waxay noqotay waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada Falastiin iyadoo xubin ka ah Midowga Yurub, waxaa xigay dalalka kala ah ; Qubrus, Hungary, Czech Republic, Poland, Slovakia, Romania, Bulgaria, Norway , Spain iyo Ireland.
Falastiin waxaa horey u aqoonsaday 145 dal oo kale oo xubin ka ah Qaramada Midoobay.
Aqoonsiga waxba kama beddelin xaaladda Falastiiniyiinta, gaar ahaan xasuuqa ka socda marinka Qasa, dunidana ma awoodin inay joojiso xasuuqa!