Qoraal kasoo baxay Wasiirka Maaliyadda maamulka Khaatumo, ayaa lagu shaaciyay in la hakiyay muddo 10-maalin ah oo maanta ka bilaabaneysa qaadista canhuurta jid marka, waxa ayna Wasaaraddu sheegtay in sababta loo hakiyay la xariirto safarka uu Xamse ku imaanayao Laascaanood.
Waxaa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Khaatumo , in go’aankan loo qaatay si loo tixgaliyo safarka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ugu imaanayo, sidoo kale loo fududeeyo isku socodka bulshada ku dhaqan deegaannada Khaatumo.