Heemaal News Network

Xassan Sheekh Oo Safarkii 3aad Muddo bil ah Ugu Baxay Maanta Turkiga

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa u dhoofay dalka Turkiga, si uu uga qeyb galo madasha diblomaasiyadda ee Antalya.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa wadahadal muhiim ah la yeelan doona madaxda Turkiga si loo xoojiyo xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiye.

Inta lagu guda jiro madasha, Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu ka hadlo dadaallada socda ee Soomaaliya ee ku aaddan xasilloonida, amniga, iyo soo kabashada dhaqaalaha.

Shirka Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya oo sanad walba la qabto ayaa waxaa lagu casuumaa madax ka tirsan dalalka caalamka, iyadoo looga hadlo xoojinta iyo iskaashiga, arrimaha dhaqaalaha, amaanka iyo horumarka.

Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa shirkaas ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaalada Somalia gaar ahaan arrimaha dhaqaalaha, horumarka ay ku talaabsatay DF iyo dagaalka argagxisada waxa loogu yeero.