Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu shirku socdo waxa uu sidoo kale kulamo-doceeedyo la yeelan doonaa qaar ka mid ah madaxda caalamka ee madasha martida ku ah, isaga oo kala hadli doona arrimo ahmiyad u leh xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya kala dhexeeya dalalka ay matalayaan.
Shirka Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya oo sanad walba la qabto ayaa waxaa lagu casuumaa madax ka tirsan dalalka caalamka, iyadoo looga hadlo xoojinta iyo iskaashiga, arrimaha dhaqaalaha, amaanka iyo horumarka.
Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa shirkaas ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaalada Somalia gaar ahaan arrimaha dhaqaalaha, horumarka ay ku talaabsatay DF iyo dagaalka argagxisada waxa loogu yeero.