Raisal wasaare Xamse Oo la Hadlay Shacabka Laascaanood April 12, 2025 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa safar taariikhi ah ku tagay magaalada Laascaanood, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay madaxda SSC-Khaatumo iyo boqollaal shacab ah oo tan iyo saaka waddooyinka u tubnaa soo dhoweyntiisa.