Shirkan wuxuu ahaa madal heer qaran ah oo muhiim u ah horumarinta wada hadalada iyo iskaashiga ku saabsan kala-guurka Afrika ee tamarta nadiifta ah ee hydrogen-ka cagaaran, iyadoo la isu keenay madaxda dawladdaha, ganacsatada gaarka loo leeyahay, iyo daneeyeyaasha caalamiga ah. Jamhuuriyadda Somaliland waxaa matalayay wefti heer sare ah oo uu hoggaaminayay Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Wasiirka Madaxtooyada, iyo Mudane Axmed Jaamac Barre, Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, kuwaas oo si firfircoon uga qaybqaatay fadhiisyada muhiimka ah iyo doodaha siyaasadeed ee shirka.
Mudane Khadar Xuseen Cabdi wuxuu ku nuuxnuuxsaday xasilloonida Somaliland ee muddada dheer jirtay, doorashooyinkii nabadeed ee dhawaan dhacay, iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo hay’adaha dowliga ah. Sidoo kale, wuxuu muujiyay diyaar garowga Somaliland ee la shaqaynta haayadaha caalamiga ah, isagoo dhiirrigeliyay fursadaha maalgashi, maamul-wanaagga, iyo horumar waara.
Dhankiisa, Mudane Axmed Jaamac Barre, wuxuu khudbadiisa furitaanka ku iftiimiyay caqabadaha iyo fursadaha isku mar ah ee ka jira waaxda tamarta Somaliland. Wuxuu xusay in dalka uu la tacaalayo qiimaha tamarta oo sarreeya iyo helitaanka xaddidan ee tamarta gaar ahaan miyiga, hase yeeshee uu dalku leeyahay mid ka mid ah kheyraadka qorraxda iyo dabaysha ugu qanisan Afrika. Wasiirku wuxuu adkeeyay sida ay Somaliland uga go’an tahay inay u guurto tamarta la cusboonaysiin karo, iyo doorka ay hadda ka qaadanayso bixinta korontada dalka—wuxuuna green hydrogen ku tilmaamay fursad beddel-shaqo ah. Wuxuu xusay jiritaanka xeerar iyo siyaasado adag oo ay dawladda dejisay, sida Xeerka Tamarta iyo Siyaasadda Qaran ee Tamarta, isagoo si buuxda u taageeray hindisayaasha gobolka, sida Mashruuca Hydrogen-ka Cagaaran iyo Waddada Bacriminta Bariga Afrika, isagoo xusay faa’iidada istaraatiijiyadeed ee Somaliland u leedahay dekedda Berbera iyo marin-biyoodka Cas.
Dhanka kale, Mudane Maxamed Cali Maxamuud wuxuu soo bandhigay khariidadda istaraatiijiyadeed ee Somaliland ee hydrogen-ka cagaaran. Wuxuu sharaxay hannaan mar-mar ah: oo ka bilaabanaya tamarta qorraxda iyo kaydinta baytariyada, iyadoo la sii socdo horumarinta tamarta dabaysha iyo casriyeynta shabakadda korontada, ugu dambayna lagu guurayo soo saaridda hydrogen ballaaran. Wuxuu adkeeyay kheyraadka qorraxda ee faraha badan ee dalka, dabaysha xeebaha, iyo helitaanka hyrogen, taas oo Somaliland ka dhigaysa meel ku habboon soo saaridda hydrogen-ka cagaaran. Intaas waxa uu ku daray in dawladdu ka go’an tahay dejinta xeerar iyo siyaasado adag, dhiirrigelinta ka qaybgalka ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo iskaashi lala yeesho maalgashadayaasha caalamiga ah—taasoo Somaliland ka dhigaysa xarun koraya oo muhiim u ah mustaqbalka hydrogen-ka cagaaran ee Afrika.