Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali, ayaa sheegay in maamulka Khaatumo uu door muhiim ah ka ciyaari doono shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhawaan lagu qaban doono magaalada Muqdisho.
“SSC Khaatumo kaalin weyn ayay ku yeelan doontaa shirka Wadatahiga. Kuwa horreeya ayay ku yeelanaysaa. Laascaanood waa gurigii midnimada iyo adkaysiga,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.
Wasiir Cali Xoosh oo hadal ka jeediyay magaalada Laascaanood, ayaa tilmaamay in SSC-Khaatumo ay kutaalo ubucda Soomaaliya, isagoo xusay in dowladda Federaalka ay si gaar ah u danaynayso horumarka iyo xasiloonida deegaannadaan.
“SSC-Khaatumo waa laf-dhabarta dalka. Dowladda Federaalka waxay siinaysaa ahmiyad gaar ah sidii horumarka, maamulka, iyo adeegyada dowladda loo gaarsiin lahaa shacabka ku dhaqan deeganaan,” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay in doorashooyinka qof iyo cod lagu bilaabidoono magaalada Laascaanood. Sidoo kale, waxa uu intaas ku daray in xafiisyada dowladda Federaalka laga furayo deegaanada hoostaga maamulka SSC-Khaatumo.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli uu maanta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, socdaal taariikhi ah ku tagay magaalada Laascaanood.