Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka 4aad ee madasha diblomaasiyadda Antalya, ayaa maanta su’aallo laga waydiiyay arrimo la xiriira Soomaaliya, waxaa ku jirtay labo su’aallood oo la xiriira socdaalka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu maanta ku tagay Laascaanood iyo wararka la xiriira inay Somaliland aqoonsi ku beddelanayso inay dib u dejin u sameyso Falastiiniyiinta laga soo barakicinayo Qasa.
Madaxweyne Xasan, ayaa ku jawaabay;
“Abdihamid aad baad u mahadsantahay, ugu horrayn waxaa sababay arrinta reer Falastiin waa arrin la xiriirta Diinta,Qudus iyo Falastiin. Waa arrin waligeed Soomaaliya aysan ka gorgortamin ayna ka gorgortami doonin, si kasta oo baaxadeenna iyo awooddeennu ay le’eg-tahayba…
Waxa aan doonaynaa waa xal nabadeed si adduunku uu aqoonsanyahay xalka 2 waddan , Falatiin inay ahaato dawlad, Israa’iilna ay ahaato dawlad… in si nabadeed lagu wada jiro dadka reer falastiin iyo dadka Jewishka ahiba, taasina waa xalka kaliya,waana waxa dhammaanteen aaan rajaynayno inay dhacdo, waxaanan rajaynaynaa inay dhacdo.
Arrinta la xiriirta Somaliland , waa qayb ka mid ah Soomaaliya…kama hadlayno sharciga duurka sida aad carrabowdayba oo qof ku intuu iska yimaado uu iska yiraahdo waxaan jarayaa qayb ka mid ah waddan, taasina maahan sida ay u shaqayso, sidaa daraadeed Somaliland waxay ka mid tahay Soomaaliya mana jirto cid nagala hadashay inaan marti galino dadka reer Falastiin si dhulkooda looga soo raro, umana aragno middaas inuu xalku ku jiro, macnaheedu maahan in lagu aqoonsan yahay iyo in kale , laakiin fikradda ah in dadka Falastiiniyiinta dhulkii ay lahaayeen laga soo raro oo dhul dad kale leeyihiin la-dajiyo xalka uma arko taas , haddii xalku sidaas ku jiri lahaa waxaa looga hadli lahaa si uun ama meelkale.
Falastiiniyiintu waxay leeyihiin dhulkaas, waxayna ku noolaayeen dhulkaa sannado aad u badan, xaqiiqdana waa kusii noolaan doonaan!
Sidaa darteed qofna arrintaan nalagama uusan hadal, haddii qof dhaho waxaan u aqoon sanay hebel waddan madax bannaan ,maahan sida adduunyadu u shaqayso, waddamo gooni ah waa dhihi karaan taas, laakiin taas ma noqonayso mid shaqaysa kaliya dhibaato dheeri ah ayay abuuraysaa , in aad saas dhahdid ama aad sidaa samaysid ma ay u noqonayso jawi wanaagsan in dad kale halkaas la geeyo, mana rajaynayo taas.
Waxaan rajaynaynaa sidaad sheegtay adduunyadu in caqliyadeedu usoo noqon doonto dhibtaana waa la xallin doonaa.!Waan uga mahad naqaynaa waddamada sida toos ah arrintaas xalkeeda uga shaqaynaya.”
𝑺𝒖’𝒂𝒂𝒔𝒉𝒂 𝒍𝒂𝒃𝒂𝒂𝒅;
Mudane Madaxweyna ; Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Barre, waxa uu ku suganyayahy maanta Laascaanood , SSC Khaatumo, taas oo ah booqasho taariikhi ah,kaddib xiisad halkaa ka jirtay dhowr sanno ka hor, maxaad u malaynaysaa booqashadaan taariikhiga ah?
Madaxweyne Xasan;
‘Waa ka xunnahay waxa ka dhacay qaybtaas Soomaaliya ka mid ah, xiisadda guduhu marwalba waa soo ifbaxaan, Dawladda dhexe ee Soomaaliya qayb kama aysan ahayn xiisadaas, kama qayb qaadan doonto xiisaddaas gudaha ah..
Mid kamid ah sababaha ugu wayn ee Ra’iisul wasaaruhu halkaas u tagay waa in uu xalliya xiisaddaas.
Ra’iisul wasaaruhu inuu qalalaase abuuro halkaas uma uusan tagin sidda qayb kamid ah dadka baraha bulshadu ay sheegayaan, sababtaas ayuu Ra’iisul wasaaruhu u tagay ,maxaa yeelay xiisadaas maahan mid wali la xalliyay, waxaa jira maxaabiis labada dhinac, wali waxaa jira xiisad si nabaddi ku jirto aan wali loo xallin.
Ra’iisul wasaaruhu halkaas wuxuu joogaa inuu abuuro jawi nabdoon oo waan waani ka dhalan karto,maxaa yeelay waxaa jira caqabado hortaagan inuu dhaco wada-xaajood dhab ah waana sababta uu Ra’iisul wasaaruhu halkaas u joogo si qayb kamid ah caqabadahaan meesha looga saaro, oo labada dhican markaas si nabdoon ay u wada-hadlaan dib u heshiisiina loo gaaro.”