Heemaal News Network

Taliyaha Ciidanka Giriiga Oo Maanta ku Dhawaaqay inuu Dalkiisa khatar kala kulmayo Turkiga

Taliyaha guud ee ciidanka Giriiga, Jen.Dimitris Houpis ayaa maanta ku dhawaaqay inuu dalkiisa khatar kala kulmayo Turkiga , isagoo intaa ku daray ; “ Ciidanka Giriiga , waxay u diyaarsanyihiin muddo 5 daqiiqo ah inay ku farageliyaan iskuday kasta oo Turkiga ku khalkhal gelinayo amniga Giriiga…. Waxaaan dooneyna muwaadiniinteena inay nabad dareemaan.”

Mareykanka , wuxuu u oggolaaday Giriiga inuu ka iibiyo diyaaradaha dagaal ee ka dhuuman kara raadaarka ee F-35 , toddobaad ka horna waxay ahayd markii Giriiga ay sameeyeen dhoolatus milatari oo Mareykanka, Israa’iil, Faransiiska , Qatar, Imaaraadka Carabta iyo dalal kale ay kala qeybgaleen.