Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa , ayaa wada abaabul dagaal oo lagu soo afjarayo kooxda Daacish ee wali ku harsan buuraha Calmiskaad , waxaana heegan la galiyay ciidamada Puntland ee loogu tala galay in ay qaadaan howlgal soo afjarid ah.
Dadka reer guuraaga ah ee degan goobaha ay joogaan kooxda Daacish ayaa loogu baaqay in ay ka fogaadaan aagga ay joogaan kooxdaasi, oo la qorsheeyay in duqeymo culus lagu garaaco , sidoo kale laga fuliyo howlgal dhinaca dhulka ah.
Ciidamada Puntland ayaa guulo wax ku ool ah ka gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, waxa ayna ciidamada la wareegeen deegaanno iyo talisyo badan oo ay lahaayeen Daacish.