Heemaal News Network

Xamaas Oo Diiday Shuruud Israel ku Xirtay Xabad joojin

Marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta ayaa toddobaadkii u dambeeyay wajahayay xasuuq iyo weerarro lagu burburiyay isbitaallo iyo goobaha gabbaadka u ah Falastiiniyiinta.

Dhexdhexaadiyayaasha Masar iyo Qatar ayaa isku dayaya inay raadiyaan hab dib loogu billaabayo wada-hadallada Xamaas iyo Israa’iil, balse kullamadii u dambeeyay oo shalay ka dhacay Qaahira, waxay ku dhammaadeen natiijo la’aan, sida uu ku warramay telefishinka Al Jazeera.

Soo jeedintii u dambeysay, Israa’iil ayaa burburisay iyadoo ku xiraysa shuruud ah , si dagaalka loo joojiyo inay Xamaas hubka dhigto, laakin Xamaas oo maanta ka jawaabtay shuruudaa waxay ku sheegeen hubka iska caabinta khad cas iyo xuquuq ay leeyihiin dadka Falastiintiin

Mareykanka ayaa hadda soo dhex galay, kaddib markii uu maanta baahiyay telefishinka Israa’iil ee Channel 12 inuu Mareykanka soo bandhigay soo jeedinta heshiis ay Xamaas ku sii deynayso 8 maxbuus oo Israa’iiliyiin nool iyo wareejinta meydad, ay ku beddelanayso xabbad-joojin kumeelgaar ah, galitaanka Qasa ee gargaarka bani’aadanimo iyo sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta ah oo ay dheertahay inuu Mareykanka dammaanqaadayo inay Israa’iil oggolaato sii wadida heshiiska si loogu gudbo wajiga labaad oo dhigaya joojinta dagaalka.