Heemaal News Network

Warmurtiyeedka Laga soo Saaray Safarka R/W Xamse Ee Laascaanood iyo Maxaabiis Lagu Wareejiyay

Xildhibaan hore Cabdi-barre Jibriil Oo si Adag Weerar Ugu Qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse, kuna Eedeeyay in Aqoonsi Been ah Uu Siiyay SSC

War-saxaafadeed laga soo saaray safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre uu dhawaan ku tagay magaalada Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa kulamo kala duwan la qaatay bulshada, maamulka SSC Isimada dhaqanka waxaana la isla qaatay in lagu wareejiyo 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed kasoo baxay safarkiisii uu ku tegay deegaanka SSC-Khaatumo.

Maamulka SSC-Khaatumo, oo la tashaday golayaasha maamulkiisa, ayaa maxaabiistan ku wareejiyay Dowladda Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in maxaabiistu yihiin kuwo duruufo gaar ah ku sugan, si loogu celiyo ehelkoodii.

“Iyada oo la tixgalinaayo Barnaamijka Nabadeynta ee uu garwadeenka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, ayuu Maamulka SSC-Khaatumo oo la tashaday Golayaasha Maamulka ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Somaliland iyo dad reer SSC-Khaatumo Kuwaas oo leh duruufo gaar ah, Waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya dib ugu celin doontaa ehelkoodii iyaga oo badqaba” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka kasoo baxay safarka Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaa sidoo kale la isla meel dhigay in maamulka SSC-Khaatumo uu noqdo dowlad goboleed rasmi ah iyo xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC), ayna deegaanadoodu yihiin qeyb ka mid ah dhulka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka SSC-Khaatumo waxay isku raaceen in si wadajir ah looga shaqeeyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax ka beddelaya nolosha shacabka deegaanka.