Labada nin ee isku soo dhiibay ciidamada Puntland oo u dhashay Itoobiya ayaa magacyadoora lagu sheegay Nuersaen Lamlmu Hisen, 23 sano jir, magaciisa xarakiga ah yahay (Xudeyfa) iyo Abraham Sielshe Zlaka , 25 sano jir , oo isna magaciisa kooxda uu ahaa (Cismaan) .
“ Raggab waxay qirteen in ay ka tirsanayeen Argagixisada Daacish, laakiin duruuftu ku adkaatay, iyagoo iska soo dhiibay deegaanka Labaaxdile ee ka tirsan degmada Ufeyn, ragam waxaa hadda lagu hayaa magaalada Boosaaso, waxaa gacanta ku haya taliska Booliska ee gobolka Bari” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Puntland.
Ciidanada Puntland , ayaa hadda isku diyaarinaya howlgal lagu soo afjarayo kooxda Daacish ee wali ku sugan qeybo kamid ah buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari , waxa ayna Puntland ku hanjabtay in ay qaadayaan howlgallo culus oo cir iyo dhul ah .