Heemaal News Network

Rag Kenya ka Dhoofinayey Quraanjo Naadir ah Oo la Xiray (Sawirro)

Kenya ayaa soo bandhigtay afar nin oo la qabtay iyagoo isku dayaya inay Kenya ka dhoofiyaan quraanjo naadir ah oo loo yaqaan “Ant Species of High Value”.

Quraanjadan ayaa halkii xabo qiimaheedu yahay $130. Rag u kala dhashay Belgium Vietnam iyo nin kale oo Kenyan ah ayaa loo xiray arrintan.

Waxaa la sheegay in quraanjooyinkii lagu soo gurray baco balaastig ah iyo salingayaal dhexdeeda, si si qarsoodi ah loogu dhoofiyo.

Laamaha ammaanka waxay sheegeen in quraanjo kasta oo nuucaan ah qiimaha ahaan ay suuqyada caalamka ka joogto lacag dhan $130 doolar, Qiyaastaas lacageed waxay muujinaysaa sida ay u yihiin noocyo naadir ah oo la raadinayo isla markaana aduunka ku yar.

Raggan ayaa lasoo taagay maxkamad ku taala Kenya qaasatan Nairobi, waxaana loo sameeyay gar maqal koowaad, iyadoo la qorsheynayo in la horgeeyo mar kale 23-ka Abriil maxkamada si xukun rasmi ah loogu rido.

Sheekadu waxay xiiso gaar ah yeelatay marka la ogaaday in noocyadaan quraanjada ah ay si gaar ah ugu badan yihiin Bariga Afrika, gaar ahaan Soomaaliya