Dawlad Goboleedka SSC-khaatumo oo ayaa ku biirtay maahruuca balaadhan ee Somali Stability Fund (SSF) sida uu sheegay wasiirka Qorshaynta Somalia.
Waxyaabaha muhiimka ah ee kulanka lagu falanqeeyay waxaa ka mid ahaa: Taageerada doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo dadaallada socda ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha, Diyaarinta shirarka Golaha Wadatashiga Qaran iyo Ka mid noqoshada maamul Goboleedka SSC-Khatumo ee Barnaamijka SSF.
Wasiir Beenebeene ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in: Dhammaan barnaamijyada iyo mashaariicda horumarineed ee dalka lagu saleeyo Qorshaha Qaranka (National Transformation Plan – NTP), La xoojiyo wada-shaqeynta, isku-duwidda, iyo nidaamyada kormeerka iyo qiimeynta ee heer qaran iyo Iskaashiga beesha caalamka ee ku saleysan Somali Renewed Partnership uu si buuxda ula jaanqaado NTP si loo xaqiijiyo horumar waara
Kulanka ayaa waxaa kale oo ka soo qaybgalay wasiiro heer federaal ah, wakiillo ka socday beesha caalamka, iyo madaxda barnaamijka SSF, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeynaya xoojinta hannaanka dowladnimada, horumarinta adeegyada bulshada, iyo sare u qaadista kalsoonida bulshada Soomaaliyeed.