Warsaxaafadeedka ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayay ku caddeeyeen in aysan sir ahayn oo horay loo baahiyay lagana heli karo mareegta guddiga doorashada dhammaan xogta la faafiyay in ay u gacan-geliyeen guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka heer Federaal.
Guddiga PEC waxay sheegeen mareegtooda internet-ka laga heli karo dhammaan xogaha ku saabsan tirada goobaha diiwaangelinta, tirada dadka is diiwaangeliyay, tirada cod-bixiyaasha, magacyada goobaha codbixinta, dhammaan xeerarka iyo habraacada doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay Puntland, taasina aysan xog sira ahayn.