Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa darawaiishta maamulka Koonfur Galbeed, ayaa saakay iska difaacay weerar uga yimid dhinaca Al Shabaab, waxa ayna ciidanka halkaasi ku laayeen xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab ay ku jiraan saraakiil ciidan.
Meydadka xubnaha Al Shabaab ee dagaalka lagu dilay ay ku jiraan saraakiil ayaa muuqaallo laga soo duubay la arkayay iyada oo jidadka lagu jiidayo, waxaana magaalada Baydhabo la geeyay qaar kamid ah meydadka xubnihii Al Shababaab ee weerar lagu dilay.
Magaalada Baydhabo waddooyinkeeda , ayaana waxaa isugu so baxay dadweyne badan oo ku faraxsan guusha ay gaareen ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, waxa ayna shacabka bogaadinayeen ciidanka kahor tagay dhagarta kooxda Al Shabaab.
Shacabka Koonfur Galbeed ku dhaqan , ayaana dhibaatooyin badan kala kulmayay kooxda Al Shabaab, oo godoomiyay muddo sanado ah magaalooyin iyo deegaanno badan oo katirsan Bay iyo Bakool, waxa ay sidoo kale kooxdaasi xoog ku ciidamiyeen dhallinyaro badan oo waalidkooda qasab looga kaxeeyay.