Askarta Israa’iil ee saxiixay soo jeedin ay ku dalbanayaan in la joojiyo dagaalka Qasa ayaa kor u dhaafay 10,000 oo askari , iyadoo hadda ay ku biireen 250 ka tirsan qoysaska maxaabiista Israa’iil ee lagu hayo Qasa, kuwaasoo warqad ay ku taageerrayaan ciidanka soo jeediyay joojinta dagaallada saxiixay.
Shaqsiyaadka caanka ah iyo saraakiisha hore ee milatariga Israa’iil oo gaaraya 110,000 qof ayaa dhankooda saxiixay warqad ay ku dalbanayaan joojinta dagaalka Qasa iyo soo celinta maxaabiista.
Tallaabadan ayaa la sheegay inay ka caraysiisay Israa’iil, oo bilowday inay ciqaabto oo shaqada ka saarto qaar ka mid ah dhakhaatiirta milatariga oo noqday tirada u badan ee doonaya joojinta dagaalka, sida uu ku warramay wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Haaretz.