Booqashadan ayaa waxay ku soo aadday xilli wafdi sare oo ka socda Iran ay ku sugan yihiin Moscow, halka wasiirka difaaca Sacuudiga uu isaguna maanta gaaray magaalada Tehran ee caasimadda Iran oo hoggaamiyaha dalkaa uu gaarsiiyay farriin uu ka siday Maxamed Bin Salman.
Sikastaba ha noqotee booqashooyinka ayaa waxa isku xiraya xaaladda bariga dhexe ka taagan, gaar ahaanna iskudayga Mareykanka iyo Israa’iil ku doonayaan inay ku weerarraan Iran iyo qorshaha ballaarinta duullaanka Mareykanka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta; arrimahan oo walaac ku dhaliyay hoggaamiyayaasha khaliijka.