Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku eedeysay shirkadda Shiinaha ee Chang Guang Technology oo ku takhasustay tiknolojiyadda dayax-gacmeedyada inay si toos ah gacan u siiso weerarrada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto, kuwaasoo lagu beegsado danaha Mareykanka.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Tammy Bruce ayaa shir jaraa’id ku tiri؛
“Waxaan xaqiijin karnaa warbixinada sheegaya in shirkadda Chang Guang Limited ee tiknoolojiyadda dayax-gacmeedyada ay si toos ah u taageerto weerarada argagixisanimo ee ay Xuutiyiintu ku hayaan danaha Mareykanka, iyagoo taageero ka helaya Iiraan.”
Wargeyska Financial Times ayaa kasoo xigtay mas’uuliyiin Maraykan ah in shirkadda dayax-gacmeedka ee Shiinaha ay siisay kooxda Xuutiyiinta sawirro loogu talagalay beegsashada maraakiibta dagaalka Mareykanka iyo maraakiibta caalamiga ah ee Badda Cas.
Waxay sidoo kale sheegtay in xukuumadda Trump ay si joogto ah uga digtay Beijing kuna wargelisay in shirkadda Chang Guang oo ah shirkad ganacsi balse xiriir la leh Ciidanka Xoreynta Dadka Shiinaha ay u gudbinayso Xuutiyiinta xogaha sirdoonka, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.