Heemaal News Network

Somaliland Oo Dowladda Somaliya ku Eedeysay Dagaalkii Shalay ka Dhacay Dobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay weerar ku qaadeen dad xoolo-dhaqato ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo dhawaan socdaal ku tagay magaalada Laascaanood, uu lahaa abaabulka dagaalkan, si uu qalalaase uga abuuro gudaha Somaliland.

“Ficillada noocan ahi waxay khatar ku yihiin amniga gobolka, waxayna ka hor imanayaan mabaadi’da madaxbannaanida iyo xidhiidhka derisnimo, Xilli ay Somaliland hormuud ka tahay nabadda iyo iskaashiga Geeska Afrika, kicintan colaadeed waxay wiiqaysaa dadaallada nabadda” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Somaliland waxay sheegtay in ay ka go’an tahay in ay difaacdo madaxbannaanideeda dhuleed iyo dadeeda, isla markaana ay dhiirrigelinayso nabad ku wada noolaanshaha gobolka.

Dhanka kale, waxay beesha caalamka ugu baaqday in ay u dhug yeeshaan xiisaddan, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin lagu xakameynayo.

Dhinaca kale, maamulka SSC-Khaatumo oo xalay fiidkii war qoraal ah kaga hadlay dagaalka ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay weerar ku qaadeen dad xoolo-dhaqato ah, isla markaana uu maamulka ka go’an yahay in uu difaaco dadkiisa iyo deegaanadiisa.

Dagaallada u dhexeeya Somaliland iyo maamulka SSC-Khaatumo ayaa salka ku haya muran dhuleed, iyadoo maamulka SSC-Khaatumo uu doonayo in uu maamulo dhammaan xuduudaha gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, halka Somaliland-na ay doonayso in ay gaadho xuduudihii uu Ingiriisku dejiyey.