Heemaal News Network

Dagaalkii Canshuuraha Ee Mareykanka iyo Shiinaha wuu soo Dhammaaday

Dagaal uu billaabay Biden, Trump ayaa yimid oo sii shiday, wuxuuna si dhab ah ugu dhaqaaqay inuu wajaho Shiinaha, laakin hadda dagaalka wuxuu ku dhammaaday si ka duwan wax kasta oo aad filaysay, ma aha tartankan waxa lagu soo xiray alaabaha iyo canshuurta ay labada dhinac is dhaafsadeen, oo waxaa jiray inay lumiyeen Biden iyo Trump isku xirka xisaabta, si natiijada ay doonayaan usoo saaraan, sababtoo ah waxa ay iloobeen ayaa ah in ay Shiinaha ku tiirsan yihiin macdanta iyo biraha uu soosaaro ee loo isticmaalo dhammaan warshadaha tignoolajiyada iyo militariga ee Mareykanka.Xilligii Biden, Shiinaha ayaa mamnuucay qaar ka mid ah, oo ay ku jiraan galleon iyo germanium-ka.

Maxaa dhacay?

Trump waxa uu la yimid geesinimo ka badan middii Biden, oo wuxuu Shiinaha saaray canshuur 145%, wuxuu ka jawaabay Shiinaha , tallaabo kasta oo Trump uu qaaday, balse tallaabada ugu xooggan ee Shiinaha uu diyaariyay waa inuu joojiyay oo ka manuucay Mareykanka in loo diro macdantiisa kale ah; samarium, gadolinium, terbium, dysprosium, lutetium, scandium, iyo ythereum oo dhammaantood ah macdan muhiim u ah warshadaha Mareykanka oo ay ku jiraan kuwa milatariga.

Maamulka Trump miyaysan ka warqabin waxaas oo dhan?

Jawaabtu waa maya, way ka war hayeen oo waxay qorshaynayeen in la helo beddelka macdanta ay ka soo dhoofsadaan Shiinaha,wuxuuna Trump filayay in xilli hore la dhammeystiri doono heshiiska joojinta dagaalka Ukraine, waa adiga arkay Mareykanka oo is dhul dhigaya, wax kastana uga tanaasulaya Ruushka, tan ma taqaan? Wuxuu doonayay Mareykanka inuu helo macdanta Ukriane, markaa wuxuu heli lahaa beddelka macdanta Shiinaha, tartanka labada quwad ayaanna sii socon lahaa, balse wax walba waxaa dhexda u galay Putin oo dheerayay marxalad kasta oo suragal ka dhigi kartay inuu dhaco heshiis lagu joojiyo dagaalka, oo mudnaan koowaad u lahayd Trump oo markii ololaha uu ku jiray sheegay muddo toddobaadyo ah inuu dagaalka ku joojin doono.

Maamulka Trump, ayaa hab kasta adeegsaday si ay u cadaadiyaan Ukraine, oo waxay si dhaqso ah u joojiyeen taageerradii milatari ee ay siinayeen, wax walbana dhinaca Ruushka inay jiraan ayay u tuseen Moscow, xataa Trump wuxuu ugu hanjabay madaxweynaha Ukriane , haddii uusan dhammeystirin heshiiska macdanta inuu la kulmo karo dhibaato..!

Laakiin Ruushka ayaa maamulla 70% dhulka laga soo saaro macdantan uu Maraykanku ku tiirsan yahay ee Ukraine uu ka doonayo. Haddii xataa Zelensky, uu oggolaado wax kasta, miyuu Ruushka qeyb ahaan uga tanaasuli karaa dhulka macdanta Mareykanka?

Waxa la fili karo waa in 30% tanaasul ah uu Ruushku muujin karo, balse ma tahay wax ku filan Mareykanka, si uu uga kaaftoomo macdanta Shiinaha? Mise laga heli karaa Ukraine dhammaan macdanta uu doonayo Mareykanka?

Dabcan maya, oo Ukraine ma awooddo inay u noqoto Mareykanka beddelka Shiinaha, taana waa halka hadda lagu soo xiray dagaalkii ganacsi oo Mareykanka, wuxuu dib ugu laabanaya Shiinaha..!

Ma aragtay Dr Congo illaa Soomaaliya oo ku soo jiidanaya Mareykanka, inay siinayaan macdanta dhulkooda, tani waa baahida dhabta ah ee Mareykanka uu wajahayo! Wuxuuna Mareykanka hadda soo gaaray inuu ka khuusto joojinta dagaalka Ukriane oo jimcaha maanta, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa Paris kula kulmay saraakiisha Midowga Yurub iyo Ukriane, wuxuuna u sheegay inuu Mareykanka ku dhowyahay inuu ka baxo dadaallada nabadda ee uu ku doonayay inuu ku joojiyo dagaalka, tan oo ka dhigan in mar kale Mareykanka uu ku soo laaban karo dagaalka , isagoo taageerraya Ukraine, sababtoo ah Putin waxba kama soo qaadin iskuday kasta oo Trump uu sameeyay, wuxuuna caddeeyay inuusan dooneyn dagaalkan in la joojiyo..!

Hagaag,soo laabo,marba haddii dagaalkii ganacsi uu soo xiray Trump, waa maxay faa’iidada Mareykanka uu ka helay dagaalka uu la galay Shiinaha?

Trump, wuxuu ku tiirsanaa ololihiisa maalqabeennada Mareykanka, wuxuuna dadweynaha Mareykanka ku indha sarcaadiyay inay la kulmi doonaan marxalad dhaqaale wanaag aan horey loo arag oo buuxin doonta khasnadahooda, laakin wax taa ka duwan ayay arkeen maalqabeennada iyo dadka Mareykanka.

Ganacsatada ugu sarreeya dhaqaalaha adduunka ee Elon Musk, wuxuu hanti badan ku bixiyay ololihii doorasho ee Trump, balse taa beddelkeeda wuxuu saacad gudaheed ku khasaaray 5 bilyan oo dollar, halka ganacsadaha kale ee sida weyn u taageerray Trump ee Charles Schwab uu khasaaray maalin gudaheed 2.5 bilyan oo dollar, tani waa cawaaqibka gaaray maalqabeennada Mareykanka.

Haddaba ka warran muwaadiniinta?

Dhibbanaha ugu weyn ee dagaalkii ganacsi ee Mareykanka uu la galay Shiinaha, waxaa noqday muwaadiniinta Mareykanka. Go’aamada Trump waxay ku khasabtay dadka Mareykanka inay waddooyinka usoo baxaan iyagoo ka soo horjeeda siyaasadda Trump.

Waxa kiciyay dadka Mareykanka, waa in suuqyada Mareykanka ay labo maalin gudahood khasaareen $ 11 trillion, taas oo u dhiganta muwaadin kasta oo Mareykanka ah inuu lumiyay $ 35,000.

Muwaadiniinta Mareykanka, waxaa kaloo ay la yaabeen sida loo dejiyay siyaasadda canshuuraha ee dunidda uu ku soo rogay Trump, kaddib markii la arkay in casnhuuraha lagu soo rogay jasiiraddo uusan qof bani’aadam ah ku nooleyn sida Penguin Islands, Penguin (Heard iyo McDonald), tani waxay keentay wargeysyada Mareykanka inay soo bandhigaan shakiga ay ka qabaan in nidaamka Ai-da ee caqliga macmalka ah loo adeegsaday xulashada dalalka canshuurta lagu soo rogay, taa oo ka dhigan inaysan jirin fallanqeyn iyo ka baraan deg lagu wajahay siyaasadan ay dhibanaha u noqdeen muwaadiniinta Mareykanka.

Trump ma aqbalay xaqiiqada?

Trump ayaa canshuur dhan 145% ka dhaafay tiro badeecooyin ah oo laga keenay Shiinaha, oo ay ku jiraan noocyo kala duwan oo alaabada elektiroonigga ah sida laptops, taleefannada casriga ah, tablet-yada, saacadaha smart, telefishinnada, iyo agabka tamarta cadceedda. Ka warran kuwan waa wax dhoofintii u sarreysa ee Shiinaha uu u diro Mareykanka! Waxaa xigtay in Trump uu sidoo kale muddo 90 maalmood ah hakiyay canshuuraha uu saaray wax soosaarka caalamka.

Sidoo kale, ka dib markii la hakiyay canshuuraha kastamka ee dalal badan muddo 90 maalmood ah, tani waxay keentay maalgashadayaasha inay dareemeen in Trump uu ka laaban doono go’aannadiisa, sidaas darteed waxay billaabeen iibsashada saamiyada shirkadaha Maraykanka ee dhacay, oo ay ku jiraan Tesla iyo SpaceX.Ku degdegista iibsashada ayaa sababtay in qiimaha saamiyadu kor u kaco, waxaana lagu iibiyay qiimo ka sarreeya qiimahooda saxda ah, sababtoo ah maalqabeennada Mareykanka waxay la kulmeen burbur dhaqaale oo aysan horey u arag, kaliya Elon Muska ayaa khasaaray 35 bilyan, tana waa sababta shirkadihiisa ay sare ugu qaadeen saamiyada.

Balse, mar kale muwaadiniinta Mareykanka ayaa arkay ficil khiyaano ah oo ay ku kaceen xubnaha xisbiga Jamhuuriga iyo saaxiibbadooda, kuwaasoo markii ay ka war heleen canshuuraha la soo saaray, qubay saamiyada suuqyada Mareykanka, waxayna fududeeyeen guul darro si dhaqso ah usoo gaarta dhaqaalaha Mareykanka,intaa kuma joogsan haddana waxay 48 saac ka hor dib u iibsadeen saamiyadda suuqyada ganacsiga Mareykanka, markii ay oggaadeen in Trump uu ka laabanayo go’aanka uu ku soo saaray canshuuraha, tani waxay dhalisay in sharci dajiyayaasha Dimuqraadiga oo arkay tallaabada ay qaadeen Jamhuuriga , inay dalbadaan xubnaha jamhuuriga inay soo bandhigaan saamiyada ay ku leeyihiin suuqyada ganacsiga Mareykanka, xaaladan oo u tustay dadka Mareykanka inaysan jirin siyaasad dhab oo u wada danaynaysa dadka Mareykanka oo lagu wajahay dagaalka ganacsi ee Trump uu daahfuray..!

Shiinaha wuxuu mar kasta qorsheeyay inuu ka hortaggo iskuday kasta oo Mareykanka uu ku waxyeelaynayo dhaqaalaha, haddii aad aragtay in Shiinaha macdantiisa ay surageliyeen inuu ku xiro dagaalka ganacsi, intaa oo kaliya ma aha waxaa jira qorshe kale oo Shiinaha u diyaarsan oo Mareykanka uu ku gaarsiin karo dharbaaxo, waa in Shiinaha uu kaydiyay $761 bilyan oo doollarka Maraykanka ah, haddii uu lacagta suuqyada ku qubo, waxaa dhacaysa hoos u dhac iyo burbur dhaqaale oo gaaraya Mareykanka, iyadoo loo marayo hoos u dhaca uu la kulmayo dollarka , waxaana xigaya iyadoo dunidda ay u cabsanayso xaaladda uu wajahi karo doollarka inay dhankooda suuqyada ku sii daayaan kaydkooda doollarka Mareykanka, markaana ma jirto cid xakameyn karta hoos u dhaca doollarka uu wajahayo.

Intaa waxaa dheer Shiinaha, wuxuu leeyahay warshado, baayacmushtar, iyo kaabayaasha ganacsi oo dunidda oo dhan uu la wadaago, haddii uu hakiyo isku socodkaa in dollar loo adeegsado, markaa dunidda oo dhan ayaa galaysa jahwareer, dalalka dunidda oo wax ku kala iibsada doollarkana, waxay wajahayaan marxalad aysan waxba ka qaban karin, tana waa sababta uu Shiinaha u kaydiyo dhankiisa lacag badan oo doollarka Mareykanka ah, waxaana la dhahaa siyaasadan; ‘ inay ku diyaarsan yihiin habab istaraatiji ah oo aad ku dhaawacayso cidda aad iska hor imaanaysan, balse dhibaatada waxaad u qeybinaysa dunidda oo dhan, markaanna faragelinta waxay noqonaysa mid u dan ah ku ah.”

Shiinaha 14% leh ganacsiga badeecadaha adduunka, waxaa kaloo uu leeyahay 22% saamiga adduunka ee alaabta tignoolajiyada. Ameerika lafteedu waxay Shiinaha ka soo dhoofisaa $435 bilyan oo ay ugu wacan tahay qiimaheeda hooseeya ee wax soosaarka Shiinaha.

Wax-soo-saarka Mareykanka ee Shiinaha ayaa bixiya 1.2 milyan oo shaqo Mareykanka gudahiisa, ka dib markii Shiinaha uu 125% canshuuro ku soo rogay badeecadaha Mareykanka, boqollaal iibsashada Shiinaha ee alaabta Maraykanka ayaa hoos u dhacday.Warshaddo Maraykan ah ayay saamaysay, shaqaale badan oo Maraykan ah ayaa shaqada laga fadhiisiyey, qaar kalena waxay arkeen mushaharkoodii oo la dhimay.Doollarka ayaa hoos u dhacaya, sicir-bararkana wuu sii kordhayaa, tana Shiinaha wuxuu noqday midka soo xiray dagaalkii uu furay Trump..!

Gunaanadka;

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping waxaa jira hadal dhaxalgal ah oo uu jeediyay sannadkii 2018, markii sidan oo kale Trump uu u furay dagaal ganacsi oo uu la galay Shiinaha ; “Badda, maaha balli, duufaannada ayaa laga yaabaa inay ruxaan balliyada, laakiin marnaba ma rogi karaan badda..Shiinaha ayaa soo maray in ka badan 5,000 oo sanno oo caqabado iyo dhibaatooyin ah, sidaas oo ay tahay Shiinaha weli waa mid adkeysi leh.”

W/Q Iman Jamac