Heemaal News Network

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo soo dhoweeyay aqoonsiga maamulka SSC Khaatumo

Madasha Siyaasadda Puntland (PPF), oo ah urur mideeya siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland, ayaa ku baaqay in la qabto shirweyne siyaasadeed oo ballaaran, si loogu gorfeeyo wejiga labaad ee dhismaha Puntland.

Madashu waxay sidoo kale hambalyo u dirtay Maamulka SSC-Khaatumo maqaamka cusub ee uu ka helay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay mid siyaasadeed oo muhiim ah.

“Madasha Siyaasadda Puntland waxay saadaalisay in aqoonsiga SSC-Khaatumo uu dib u qaabeyn ku keeni doono Puntland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen.

Madasha Siyaasiyiinta Puntland ayaa bogaadisay booqashadii uu Ra’iisul Wsaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ku tagay magaalada Laascaanood, taasoo ay ku tilmaameen mid muujisay isbeddel cusub oo siyaasadeed.

Sidoo kale, Madashu waxay ugu baaqday shacabka ku dhaqan deegaannada SSC-Khaatumo iyo Puntland inay xoojiyaan wada shaqeyntooda, iyadoo shacabka Puntland si gaar ah ugu dhiirrigelisay inay sii labanlaabaan taageerada ay u hayaan maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.

Siyaasiyiinta ku midaysan madashan ayaa ugu dambayn sheegay in la joogo waqtigii dib looga tashan lahaa mustaqbalka siyaasadeed ee gobollada Puntland.