Heemaal News Network

Madaxweyne Xasan oo kulan muhiim ah la qaatay Ra’isul Wasaare hore

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira latashiyada qaran ee uu la qaadanayo waxgaradka, masuuliyiinta iyo haldoorka bulshada Soomaaliyeed ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ra’iisul Wasaare hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya, waxayna isla qaateen muhiimadda dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan , ayaa imaanaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dhawaan fidiyay gogol siyaasadeed uu kula tashanayo siyaasiyiinta qaar iyo Madaxda dowlad goboleedyada.

Ra’isul Wasaare hore Shiirdoon oo dhawaan hadal ka jeediyay Muqdisho , ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay ku fashilantay amniga dalka iyo la- dagaalanka kooxda Al Shabaab.