Shirarkan ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Shabaab iyo Daacish, iyada oo la adkeynayo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, iyo la-hawlgalayaasha amniga.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in ujeeddadu tahay in la xoojiyo nidaamka sugidda amniga dalka, iyo sidii loo dhisi lahaa bulsho ka madax bannaan cabsi iyo xagjirnimo.
Guddi hoosaadyada abaabulka iyo wacyigelinta, iyo kan dhaqaalaha iyo taakuleynta ayaa ka warbixiyey howlaha u qabsoomay iyo halka ay wax marayaan.
Dowlada Soomaaliya ayaa dagaal adag kula jirta kooxda Al shabaab oo dhowaan la soo baxday dardar xooggan, isla markaana dib u qabsatay degaano laga saaray sanado ka hor.