Heemaal News Network

Duulimaadyo siday Ciidamo Turki ah Oo Muqdisho soo Gaaray

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta soo gaaray labo duulimaad oo ay la socdeen ciidan ka tirsan ciidanka milateriga Turkiga oo tiradoodu gaareysay illaa 500 oo askari

Ciidankan ayaa qeyb ka ah askar gaareysa kumanaan oo dowlada Turkigu u soo direyso Somalia kuwaasoo qeybaha ka haray la filayo iney soo gaaraan dalka maalmaha soo socda.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. Ciidamadan ayaa la qorsheynayaa in loo daabulo gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaasoo ay saldhigyo ka samaysan doonaan si ay kaalin muuqata uga qaataan sugidda amniga iyo hogaaminta dagaalka Al shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada la dejin doono deegaanada Aadan Yabaal oo ay maalmo ka hor dib u qabsadeen al shabaab iyo Wabxo, kuwaasoo muhiim u ah xasiloonida gobolka.

Dowladda Turkiga ayaa bilihii lasoo dhaafay waday hawlgallo sahmin shidaal ah oo ka socda xeebaha Galmudug iyo Hirshabeelle. Waqtigan la joogo, waxaa la galay wejigii labaad ee qodista, taasoo keentay in dowladda Turkiga ay dardar galiso dadaallada ay DFS isaga kaashanayaan ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee ku sugan aaggaas.