War saxaafadeed ay arintaasi Wasaaradda ay kasoo saartay ayaa waxa ay ku tilmaamtay tallaabada ay qaaday Puntland mid aan sal iyo raadba toona ku lahayn Dowladnimada iyo mas’uuliyadda Qaran, waxaana ay shaaca ka qaaday inuu ka hor imaanayo qorshayaasha horumarineed ee dalka uu doonayo inuu ku talaabsado.
“Tallaabada uu qaadey Madaxweynaha Puntland ee ah sameynta Aqoonsi kale oo lagu carqaladeynayo Aqoonsiga Qaranka (Lr. 04, 09/04/2025), waa khalad masuuliyadeed iyo sharciyadeed, waana mid si toos ah ugu xadgudbeya hannaanka dowladnimadda dalka, Waana jahwareer iyo nidaam daro dowladeed, Ficiladda noocan ahi wax sal iyo raad ah kuma lahan aragtiyadda dowladnimo iyo masuuliyad Qaran. Kamana muuqato lixjeclo iyo dan-qasho ummadeed” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa sheegtay inay ku boorineyso madaxda Puntland in ay si qaranimo leh uga qeybqaataan hirgelinta Aqoonsiga Qaranka, ayna bulshada deegaanka uga faa’iideeyaan nidaamka qaran ee horey loo dhisay.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u meelmarisay Siyaasadda Aqoonsiga Qaranka, sidoo kale labadda Aqal ee Barlamaanka ayaa iyana meelmariyey xeerka Aqoonsiga Qaranka Xeer lambar 9, Maarso 2023 iyo xeerka illaalinta Xogta Muwaadinka Xeer lambar 5, Maarso 2023, waxaana la aas-aasey Hay’adda Qaranka ee Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga (NIRA), Waxaa sidoo kale dalka loo soo iibiyey qalab casri ah oo lagu daabaco, lagu keydiyo, laguna ilaaliyo xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed.