Heemaal News Network

Khaatumo oo shaacisay cida fulisay dilkii loo geestay Faarax Ceydiid

Maamulka Khaatumo , ayaa faahfaahin dheeraad ah waxa ay ka bixiyeen dil habeen hore magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool loogu geestay sargaal amni oo katirsanaa Qunsuliyada Itoobiya ku leedahay magaalada Garawe ee caasimadda Puntland.

Sargaalka la dilay oo lagu magacaabayay Faarax Caydiid Jaamac (Bariis), ayaa meydkiisa oo rasaas iyo jirdil xooggan ka muuqday laga helay duleedka Laascaanood, waxaana baxsaday oon ilaa hadda la qaban dadkii ka dambeeyay falkaasi dilka ah.

Xeer Ilaaliyaha guud ee SSC-khaatumo, Avv. Cabdillaahi Xirsi, oo ka warbixiyay dilka marxuum Faarax Bariis ayaa sheegay in marxuumka ay dileen dabley hubaysan oo aan weli heybtooda la garan, waxa uuna xusay in dilkaasi ku tuhmayaan in ay fuliyeen kooxda Al Shabaab.

Xeer Ilaaliyaha guud ee SSC-khaatumo, Avv. Cabdillaahi Xirsi ayaaa caddeeyay in marxuum Faarax Bariis jirdil xooggan loo geystay ka hor inta aan dilkiisa loo adeegsan xabbad, waxaana uu tilmaamay in meydkiisa oo jirdil darani ka muuqdo lagu soo tuuray bannaanka Laascaanood.

Sargaalkan la dilay , ayaa la sheegay in uu katirsanaa sirdoonka Itoobiya kana shaqeenayay qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay magaalada Garawe, waxa uuna Xeer Ilaaliyaha Guud ee Khaatumo sheegay , in sargaalkan kooxda Al Shabaab muddo raadineysay iyagana ku tuhmayaan dilkiisa.