Heemaal News Network

Puntland Oo Qabatay Qoysas ka tirsan Daacish Oo Baxsad ahaa

Ciidamada Puntland oo hawlgal ka sameeyay badda degaanka Bacaad ee gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay doonni siday haween iyo carruur u dhashay dalalka Suuriya, Yemen iyo Soomaaliya, kuwaasoo ka baxayay xeebaha Puntland.

Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan ciidamada difaaca Puntland oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaciyay in doontaasi laga soo qabtay biyaha degaanka Bacaad ee gobolka Bari, islamarkaana uu baaritaan ku socdo doonta iyo dadkii ay sidda oo ajaanib iyo Soomaaliya, oo ay ku jiraan carruur yar yar.

“Boosaaso waxa baaritaan ku socda doon iyo dadkii ay waday oo Ciidanku kaso qabteen iyagoo Shidaalku ka go’ay aaga biyaha -deegaanka Bacaad ee Gobolka Bari, dadka saarna waa Soomaali iyo Ajaanib , waxaa ku jira caruur yaryar” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan ciidamada difaaca Puntland.

Warar dheeraad ah ayaa sidoo kale sheegaya in dadka doontaasi wadday looga shakisan yahay qoysaskii argagixisada ISIS ee ciidamada Puntland ku jebiyeen buuraha Calmiskaad, kaddib markii ay maalmahan soo baxayeen warar ku saabsan in kooxdaasi maxastooda ula baxsanayaan dalka Yemen oo ah halka ugu dhow ee ay tagi karaan.