Heemaal News Network

Madaxweyne Zelensky ka soo Horjeestay qorshaha Trump Ee Xal u Helida Dagaalka Ruushka

Madaxweynaha Ukraine , Volodymyr Zelensky wuxuu ka soo horjeestay qorshaha uu Mareykanka ugu aqoonsanayo jasiiradda Crimea ee horey uu Ruushka u qabsaday inay tahay dhul uu Ruushka leeyahay , iyadoo Zelensky uu sheegay dhul kasta oo Ukraine ah oo Ruushku qabsaday inan loo aqoonsan karin dhul Ruushka leeyahay.

Balse, waqti badan ma qaadan Trump oo ka jawaabay hadalka Zelensky , wuxuu yiri ; “ Iska aamus, maxaad dagaal ula geli wayday Ruushka markii 2014-kii ay soo galeen Crimea, waa adigii sheegi jiray in ka hor waqtigaa Ruushka uu dhaqdhaqaaq ka wado Crimea…. Waa laga soo gudbay taa waa in hadda dagaalkan la joojiya si kastaba.”