Heemaal News Network

Madaxweynaha SSC-Khaatumo, Oo Saxiixay Afar Xeer Oo Muhiim ah

Hoggaamiyaha Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa saxiixay afar Xeer (4) oo u muhiim u ah dawlad-dhiska, horumarka iyo arrimaha bulshada.

Xeerarkan ayey horay labada gole ee dawladdu u ansixyeen ugu danbaynna hoggaamiyaha loo soo gudbiyey si uu u saxiixo ayna u dhaqan galaan.

Xeerarkan ayaa kala ah sidatan:

1. Xeerka Diiwaangalinta, Sumadsiinta iyo Mulkiyadaha Gaadiiidka Dhulka

2. Xeerka Waxbarashada

3. Xeerka Rugta Ganacsiga

4. Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah