Qaraxan ayaa qiiq aad u weyn oo cawlan ah ka soo saaray qaybta Shahid Rajaee ee dhismaha dekedda, sida laga soo xigtay muuqaallo la baahiyay iyadoo dowladdu ay sheegtay in qaraxan ay u badan tahay inuu xiriir la leeyahay kiimikooyin la keydiyay.
Madaxa gurmadka degdega ah ee Iran ayaa sheegay in afar qof ay ku dhinteen qaraxa. Afhayeen u hadlay ciidamada gurmadka ayaa mar sii horeysay sheegay in 516 ay ku dhaawacmeen.
Muuqaal ay faafisay wakaaladda wararka ee Mehr ayaa muujinayay muuqaalo muujinaya xilliga uu qaraxa dhacay, kaasoo u muuqda inuu ka dhacay bakhaar ku yaalla dekedda. Muuqaalo kale ayaa muujinayay diyaarado Helicopters ah oo ku daadinaya biyaha goobta uu dabka ka kacay ee qaraxa uu ka dhashay.
Qashin ayaa ku fidsan dhul ballaaran, waxaana burbur xooggan soo gaaray dhismayaal badan oo ku yaalla dhismaha dekedda, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda..
Wararka qaar ayaa sheegaya in dad ay ku xayiran yihiin burburka dhismo ku yaalla gudaha dekeda.
Guddoomiyaha gobolka, Mohammad Ashouri Taziani, ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah loo wareejinayo xarumaha caafimaadka ee Bandar Abbas, dabkana la xakameeyay. Dekadda ayaa la xiray, waxaana la joojiyay howlihii badda, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo sababihii dhaliyay shilkan. Wuxuu ku qoray X in wasiirka arrimaha gudaha loo diray gobolka si uu u soo baaro baaxadda shilka.
Warbaahinta dowladda ee IRIB ayaa sheegtay in qaraxa uu ka dhacay qeybta kiimikada iyo baaruudda ee dekedda.
Afhayeen u hadashay dowladda, Fatemeh Mohajerani, ayaa sheegtay in muddo ay qaadan doonto in la ogaado waxa sababay qaraxa – “laakin ilaa hadda waxa la go’aamiyay ayaa ah in konteenaro lagu keydiyay gees ka mid ah dekedda oo ay u badan tahay in ay ku jiraan kiimikooyin qarxay. Laakiin ilaa dabka la damiyo, way adag tahay in la ogaado sababta.”
Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Maariv, ayaa isagoo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan Israa’iil, wuxuu sheegay inaysan Israa’iil wax lug ah ku lahayn qaraxa ka dhacay dekedda magaalada Bandar Abbas, ee dalka Iran.