Heemaal News Network

Dhallinyaro loo Diiday Qaramaynta Ciidamada Oo Mudaharaad Rabshado wata ka Dhigay Caynaba

200 oo dhallinyaro ah oo doonayay in la qoro ciidanka millateriga Somaliland ayaa mudaharaad rabshado wata ka dhigay magaalada Caynaba, kadib dib u dhac ku yimid qaramayntooda.

Taliyaha Booliiska Qaybta Gobolka Saraar, Jaamac Ibraahin Aadan, ayaa sheegay in dhallinyaradu sameeyeen kacdoon rabshado wata, kadib markii uu dib u dhac ku yimid qoristooda ciidanka.

“Waa kacdoon ay samaynayaan dad shacab ah oo ka mid ah dadkii soo doontay qaramaynta, oo aan wax hub ah sidan, kuwaas oo muddo halkan joogay. Wax huba la’aantaasi ayey sababtay dib u dhaca qoristooda. Dadkaasi waxay ku kaceen fal aad u foolxun iyaga oo gubay laamiga,” ayuu yidhi taliyuhu.

Waxa uu sheegay in mudaharaadku uu saameeyay ganacsiyo, isla markaana ay dhallinyaradan gadoodsani weerar ku qaadeen saldhigga booliiska magaalada Caynaba, bangiga gobolka, iyo xarumo kale oo xukuumadeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in askar badan oo booliis ah ay dhaawacyo kasoo gaadheen mudaharaadka, isaga oo falkan ku tilmaamay xadgudub sharci, kana codsaday dhallinyarada inay si asluub leh codsigooda u gudbiyaan oo aysan qas samaynin.

Xukuumadda Somaliland ayaa muddo laba bilood ah si isdaba joog ah u qaramaynaysay ciidamo beeleedyo iyo dad kale oo doonaya inay ku biiraan ciidamada, iyadoo ilaa hadda la qarameeyay boqollaal baabuur tigniko ah iyo kumanaan dhallinyaro ah oo loo diray tababar.

Xukuumadda Somaliland ayaa talaabadan qaramaynta ku tilmaantay mid lagu doonayo in kor loogu qaado nabadda isla markaana lagu dhiso ciidan millateri oo tayo iyo tiro leh, iyadoo dhinaca kale qaadashada hubka laga mamnuucay shacabka deegannada qaramaynta laga sameeyay.