Heemaal News Network

Cabdisaciid Muuse: Sirdoonka Caalamiga ah waxay Xubno ku Leeyihiin Alshabaab Dhexdooda..”

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, sidoo kalena ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa sheegay in hay’adaha sirdoonka caalamka ay xubno sirdoon ah ku leeyihiin gudaha Alshabaab, si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ururkaas.

Cabdisaciid ayaa xusay in sababta ugu weyn ee sirdoonka caalamku ugu dhex milmaan Alshabaab ay tahay inay dalalkooda kaga hortagaan khataraha ka imaan kara kooxdaas, isla markaana ay helaan xogaha la xiriira dadka dibadda uga biiraya Alshabaab.

La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka waxa uu sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay sababaha sii adkaynaya jiritaanka Alshabaab, maaddaama ay helayaan kaalmooyin aan toos ahayn oo kaga imaanaya sirdoonka caalamiga ah ee ku dhex milan.

Wuxuu caddeeyay in sirdoonka shisheeye ee ku dhexjira Alshabaab aysan wax dan ah ka lahayn amniga Soomaaliya, balse ay kaliya diiradda saaraan badbaadinta amniga dalalkooda.

“Qiyaas qof tababaran, aqoon leh, oo u yimaada Alshabaab isagoo iska dhigaya mid ka tirsan iyaga. Kaba soo qaad inuu si wanaagsan u yaqaanno tiknoolajiyadda; miyaanay ahayn inuu caawinayo kooxda Alshabaab? Nin kale wuxuu si qoto dheer u yaqaannaa nidaamyada lacagaha dijitaalka ah,” ayuu yiri Cabdisaciid Muuse Cali.

Hadalkaan ayuu ka sheegay mar uu ka hadlayay dood lagu casuumay oo ka dhacday Nayrobi oo su’aalaha looga weydiinayay khatarta argigixisada ku hayso Soomaaliya, iyo sida looga adkaan karo.