Heemaal News Network

Mareykanka oo Duqeyn ku Laayay Muhaajiriin Badan Oo Afrikan ah

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka , ayaa duqeymo culus ku garaacay dalka Yemen gaar ahaan goobo ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta, waxaana duqeymaha qaar ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 68 qof ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Mareykanku uu ku qaaday xarun lagu hayo muhaajiriin Afrikaanka ah oo ku taal waqooyi-galbeed ee Yemen, goobtan la duqeeyay ayaana waxaa maamulayay kooxda Xuuthiyiinta , sida uu sheegay TV- afka kooxdaasi ku hadla.

Duqeyntan , ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad gaaraya 47-qof , kuwaa oo la sheegay in badankooda dhaawacyada ay qabaan ay yihiin kuwa culus, waxaana dhaawacyada loo daadgureeyay oo lagu daweenayaa xarumo caafimaad.

Muuqaal lagu baahiyay tv-ga Al Masirah ee ku hadla afka kooxda Xuutiyiinta ,ayaa laga arkayay meydad badan oo daadsan goobta la duqeeyay, waxaana dadka qaar hilbahooda laga soo saarayay dhismayaal kusoo dumay .

Mareykanka , ayaan wali ka hadlin duqeyntan la sheegay in ay ku laayeen dad muhaajitiin ah oo ku sugnaa gobolka Sacda ee dalka Yemen, waxa ayna Mareykanka taliskooda horey u sheegeen in ay duqeeyeen in ka badan 800 oo bartilmaameed oo ay Xuutiyiinta maamulaan, tan iyo markii duqeymaha bilowdeen.