Heemaal News Network

Somaliland Oo Hakisay Dhoofintii Ciida Niista Ee loo Dhoofin Jiray Dalka Jabuuti

Wasaarada Macdanta iyo Tamarka Somaliland ayaa shaacisay inay hakisay dhoofintii Carada niista ee laga qaadijiray deegaanada xeebta degmada Saylac, taasoo dhibaato xoogan ku haysay dadka deegaanka iyo dadka u safra magaala xudeedeedka Lowyacado.

Caradan niista ahaa ayaa tan iyo xukuumadii Madaxwayne Siilaanyo laga rari-jiray deegaanadaasi iyadoo gaadiidka gura caradaasi ay habeen iyo maalin-ba u daabili-jireen gudaha dalka Jabuuti

Warqadan lagu hakiyay ciida niista ayaa maanta kasoo baxday xafiiska agaasimaha guud ee wasaarada Macdanta iyo tamarta Somaliland